Ma la gaaray xilligii uu is casili lahaa Madaxweyne GAAS?
Madaxweynaha Puntland oo xilka ku Guulaystay 8 janaayo 2014 lana wareegay dawlad dhamaystiran oo shaqaynaysa inkastoo ay waayo aragnimadiisa dawladeed ahayd dawlad magac u yaal ah oo aan shaqayn waa tii uu Wasiirka iyo Raysul wasaaraha kasoo noqday ee Xamar.
Markuu GAAS xilka la wareegayey waxaa lagu wareejiyey Mashaariix waawayn oo Horumarineed oo dalka ka bilaaban lahaa iyo dawlad dhamaystiran oo shaqaynaysa, hoos ka daawo munaasabadii xil wareejinta.
Puntland ta GAAS ee maanta
Hadaba 18 bilood ka dib GAAS maanta waxa uu madaxweyne ka yahay Puntland oo magac ahaan u taagan aana ahayn Puntland tii ahayd dawladda awooda leh oo Beesha Caalamka iyo dawladda Xamar ba ay maqli jireen saamayntana ku lahayd dib usoo noolayntii dawladii Soomaaliya.
Wuxuu GAAS Puntland ka yeelay meel ay ismaqalkii iyo dawladnimadii kasii dhamaanayso, meel loo kala awood badan yahay sida loo kala indho adag yahay, meel taliye xil laga qaadaa uu ka diidayo madaxweynihii dhamaa hadana aysanba dhibayn madaxweynaha!! CAJIIB.
GAAS talana ma hayo waana talo diid
Soomaalidaa waxay tiraahdaa ”ama Talo keen noqo ama Talo raac noqo” GAAS talana ma hayo waana diiday in lala taliyo. Waana tan maanta Puntland qarka ka tuurtay, waa tan keentay inuu wax maarayn waayo, waan tan keentay inay Xamar iska maamulato Puntland. Wiilal yar yar oo Qurbaha kala yimid ayaa u sacbiya GAAS cid kalena ma uu ogola.
Doorkii Isimadda GAAS waxyeelo waynayuu u gaystay
Waxaa dadka iyo dawladda isku hayey oo markii ay wax qaldamaan saxayey oo dawladda ha lala shaqeeyo ku hayey waxay ahayeen Isimadda Puntland iyagiina meeshuu ka saaray GAAS iasgoo baabi’iyey doorkii Isimaddu ay ku lahaayeen Bulshada.
Waxaynu la wada soconaa Boqor Burhaan markuu Caasimada Puntland ee Garowe yimid inaysan ku soo dhawayn Isimadda Nugaaleed, si taas la mida waxaan wada shaqayn iyo Xirrir aan lahayn Isimadda Gobolka Mudug, Gobolada kalena waa sidoo kale Bari, Karkaar, hayland, sanaag, Sool, Cayn iyo Gadafuu.
Waxaa qayb wayn ka qaatay kala irdhowga iyo wada shaqayn la’aanta Isimadda dhexdooda waa GAAS isagoo shaqadaas bilaabay markuu Raysul Wasaaraha ka ahaa dawlada Xamar kadibn aisa sii raacshay.
Dhulkii Puntland oo GAAS dayacan
Madaxweyne Gaas waxaa lagu dhaarshay waxaa ka mid ahaa ilaalilnta midnimada Dhuleed iyo dadeed ee Puntland taasina waxay GAAS ka yeelay iska daa ilaaline in maalin cad Gobolka Mudug niman Xamar Joogaa qalin ku qaataan!! Xaggee lagu arkay dhul qalin lagu dhici karo?
Somaliland maalin walba siduu GAAS xilka ula wareegay dhul cusub ayey la wareegaysaa!! CAJIIB oo yaa ka horjooga?
Mushaaarkii Ciidamada iyo Shaqaalaha oo uusan GAAS bixin
GAAS wuxuu ku guul daraystay oo uu bixin kari waayey Mushaaarkii Ciidamada iyo Shaqaalaha dawladda oo aan Mushaaar qaadan muddo bilo ah. Sidee buu dalku ku difaaci karaa Askaria an helin Xuquuqdiisa?
Puntland ma qaadi karto Gaas intaas ka badan
Dadka waxaa ugu fiican qofka is arka inuusan waxba qaban karin dibna ugu soo celiya dadkii sida sharafta leh u doortay waana taas taan GAAS kula talinayaa maanta.
Waa dhamaatay waqti ha la siiyo, waa dhamaatay ha loo dulqaato iminka waxaa la joogaa xiliguu GAAS Puntland culayska uu ku hayo ka dul qaadi lahaa isagoo ay ku haboon tahay inuu xilkii loo doortay 8 janaayo 2014 ee ahaa madaxweynaha Puntland uu iska casilo reer Puntland na uu dib ugu soo celiyo maadaama uu ku fashilmay.
Mahadsanidin
Mr Mahdi Yuusf Dhuux
Daabcaada: Puntlandes.com