Sawirro: Xildhibaannada beelaha Hawiye oo qodobo kasoo saaray xaalka dalka, kuna baaqay shir….

31 Aug 2024 (Puntlandes.com) Xildhibaanaha Beesha Hawiye oo kulan kale oo xasaasi ah xalay ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan cabashada kasoo yeereyso ganacsatada Muqdisho.

Kulankan oo laga soo saaray qodobo culus ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay ganacsato, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda Beesha Muddulood, waxaana dhinacyadu ay ka wadahadleen culeysyada jira iyo qaladaad ay sheegeen inay gaysaneyso dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.

Shirka ayaa laga soo saaray 4 qodob, waxaana lagu iclaamiyay shir ay xildhibaannada Hawiye ku sheegeen in lagu badbaadinayo dalka, isla markaana ay isaga bari yeelayaan dhibaato ay sheegeen inuu gaysanayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Qodobada la isku raacay ayaa ah:

1. Waxaa la doortay guddi qabanqaabo Shirweyne Hawiye si Hawiye uu isaga badbaadiyo, ummadda soomaaliyeedna ugu badbaadiyo ,isagana bari yeelo khatarta jirta iyo in magaca dowladeed lagu geysanayo ku tagrifal awoodeed taas oo uu masuuliyadda koowaad leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh maadaama iyagu ay leeyihiin gacan qabashadiisa oo u uku abirsado, badankoodna ay lahaayeen sababta guushiisa .

2. In xal loo helo cabashada xargo goostay ee Ganacsatada Soomaaliyeed oo Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa ka haysta dhiigmiirad aan u naxaynin taas oo ay u dheer tahay codowga Khawaarijta oo amarro naf lacaarinimo ay ka muuqato dul dhigay.

3. In Gogosha la balaariyo oo lagu casuumo dhamaan wax garadka qabaa’ilka Soomaaliyeed ,sabatoo ah hab dhaqanka rajiimka talada haya maahan mid u adeegaya danta guud ee Shacabka ,midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.

4. In Siyaasiyiinta dalka loogu baaqo in ay u istaagaan ka qayb qaadashada toosinta dowladnimada si aan dalka uga dhicin haadaan aan laga soo saari karo iyo in Soomaaliya ay noqoto goob ay ku hardamaan dalal leh maslaxadooda gaarka ah.

Shirkan ayaa daba socday shir hore oo ay xildhibaannadan ku yeesheen guriga madaxweyniii hore Sheekh Shariif, kaas oo looga hadlay xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan culeyska ganacsatada ee ku aadan canshuuraha ee lagu rogay reer Muqdisho.

About The Author