Sawirro: Koonfur Galbeed oo mar kale laga soo dhaweeyay Itoobiya lagana diiday Masar

31 Aug 2024 (Puntlandes.com) Degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa lagu qabto banaanbax lagu taageerayo ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed, sidoo kalena lagu diidayo keenista ciidamada Masar.

Degmada Waajid ayaa noqotay degmadii labaad ee gobolka Bakool oo laga diida ciidanka Masar ee uu maamulka Xasan Sheekh dalka kusoo wado.

Banaanbaxa ayaa waxaa horkcayay guddoomiyaha degmada Waajid Maxamed Macalin Yusuuf, waxaana uu sheegay inay taageerayaan sii joogitaanka ciidanka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa qaar kamid ah dadkii ka qaybgalay banaanbaxa ay sheegeen in deegaanadooda aysan ka howlgeli doonin ciidamada Masar ee lagu bedalayo kuwa Itoobiya.

Banaanbaxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin “ma rabno Masar” iyo “soo dhawoow Itoobiya”, taas oo fajaciso ku noqotay dad badan, maadaama ay hadda meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale Banaanbaxayaasha ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixiyeen sidii ay gobolka uga difaaci lahaayeen Al-Shabaab, iyagoo u arka ciidankan in ay naftooda u hureen amniga dadka deegaanka.

Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale dibad-bax kan lamid ah loogu qabtay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo isna lagu taageeray ciidanka Itoobiya.

About The Author