Akhriso-Dhegeyso: Go’aamada ka soo baxay doodii Baarlamaanka Puntland ka yeeshay DFS iyo Dastuurka
12 july 2015 (Puntlandes) Baarlamaanka Puntland oo maalmahaan kalfadhigooda 35-aad uga doodayey xadgudubk DFS ay ku samaysan dastuurka ayaa baarlamaanka waxaa uu ka soo saaray Go’aamo ka koobnaa shan qodob oo ay ugu horayso inay Puntland Dastuurka ay aqoonsan tahay uu yahay kii lagu Heshiiyey oo kaliya iyo inaysan sharci ahayn kana shaqayn karin Guddiyada iyo xeerarka ay DFS Xamar kasoo saartay.
Baarlamaanka Puntland dood iyo falanqayn dheer kadib waxay go’aan ka soo saareen qodobada hoos ku qoran:
1- Baarlamaanka dowladda Puntland wuxuu go,aan ku gaaray in dastuurka 6-da saxiix leh iyo xoghayaha guud ee QM oo maqraati ka ahaa uu yahay dastuurka rasmiga ahaa wax kasta oo laga badalayna aysan sharci ahayn.
2- Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu go,aan ku gaaray in xeerarka baarlamaanka federalku ansixiyey ee aan laga tashan dowlada Puntland insan sharci ahayn xeerarkaasi kana shaqayn karin dhulka Puntland iyadoo loo raacayo qodobka 111 ee dastuurka .
3- Baarlamaanka Puntland wuxuu go,aan ku gaaray inaysan sharci ahayn sadexda Guddi ee soo socda:-
A-Gudiga dib u eegista dastuurka dowladda federalka.
B-Gudiga Doorashooyinka.
C-Gudiga Xuduudaha iyo Arimaha Federalka.
4- Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu Go,aan ku gaaray in dhismaha dowlad Gobaleed aan waafaqsanayn dastuurka federalka qodobka 50-aad farqadiisa lixaad oo ah labo gobalka iyo wixii ka badan aysan Puntland aqoon sanayn.
5- Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu dib u eegis ku samaynayaa kalfadhiga bisha october hadii dowladda federalka ku adkaysato wax ka badalka dastuurka iyo hishiisyada la galay Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu go,aan ka gaari doonaa sii wada shaqaynta dowladda federalka.
Su’aasha la iswaydiinayo waa DFS ma fulin doontaa? Jawaabtu waa maya, hadaba waxaynu sugnaa waa Jamhuuriyadda Puntland oo gooni ka noqota muranka aan dhamaan ee Xamar.
Halkaan ka dhegeyso Gudoomiyaha Baarlamaanka
Puntlandes.com