Jabuuti oo sheegay inay Itoobiya siinayso deked ay 100% maamulkeeda yeelanayso

31 Aug 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Jauuti ay Itoobiya siinayso deked ay 100% maamulkeeda yeelanayso, si ay Itoobiya ay uga noqoto heshiiskii ay Somaliland la gashay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo arintan Ka hadlaya ayaa wuxuu yiri “Itoobiya waxaanu siinaynaa deked ay 100% ay maamushaan, waa jid cusub oo aan Nabadda Gobolka u Jeexnay”

Sidaa darteed gaaritaanka badda ee Itoobiya dhibaato Ma noqon doono, Waa dekeda Tojorah oo 100 kilomitir u jirta xadka Itoobiya” .

About The Author