Dhagayso: Wasiirkii hore ee PL Juxa ”Puntland Maqaamkeedii hoos ayuu u riday Khilaafka DFS waana in barlamanku go’aan sharci ah ka soo saaraa”
12 july 2015 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo maanta ka mid ahaa dadkii ka hadlay dooda Baarlamaanka Puntland uu kala lahaa Jebinta Dastuurka ee DFS ayaa khudbad uu ka jeediyay waxa uu ka hadlay arrimaha khilaafka keenay ee u dhaxeeya Puntland iyo DFS inuu salka ku hayo arrimo siyaasadeed iyo in lagu gaaro hiigsiga 2016 oo aan lagala tashan dowladdaha xubinta ka ha Federaalka.
Juxa ayaa sheegay inay Puntland Maqaamkeedii uu hoos u riday Khilaafaadka aan dhamaanayn ee Puntland iyo DFS ayna tahay inuu Baarlamaanku Sharci ka soo saaro.
Juxa ayaa sheegay inay muhiim tahay in go’aanka Baarlamaanka Puntland ka qaadanayo arrimaha la isku hayo ee DFS uu noqdaa mid sharciga waafaqsan oo dib loo raaco si meesha looga saaro arrimaha mar kasta dib usoo celinayo waxyaabaha la isku hayo.
Juxa ayaa waxa uu shaeegay in Xiriirka Puntland iyo DFS uu ahaa mid liitay markii la bilaabay nidaamka Federaalka oo dad diidanaa,
Juxa ayaa sheegay DFS in loo doortay afar qodob oo kala ah:
Xorreynta Gobaladda maqan
Dhismaha dowladdaha xubinta ka noqonaya Federaalka,
Qabyo tirka Dastuurka
In doorasho dadwayne dalka la gaaro,
Juxa waxa uu sheegay inay DFS ka tilaabsaday go’aamadaasi lagu heshiiyay.
Waa markii ugu horaysay khilaafyadda Xukumadda Puntland iyo DFS u dhaxeeyay uu soo gaaro Baarlamaanka Puntland kaasoo go’aano wax ku oog ah laga soo saaray saaray.
Dhagayso wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland
Puntlandes.com