Garaad Jaamac Garaad Cali “Waxan cadaynayaa in nabadda Ceerigaabo & gobolka Sanaagba ay kujirto in cid waliba rabitaankeeda lagu ixtiraamo, masoconayso awood sheegasho & isu dawladayn”

01 Sept 2024 (Puntlandes.com) Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud SSC-Khaatumo oo wqoraal uu ku taageerayo baaqyada Nababbda ee magaalada Ceerigaabo ayaa sheegay in nabadda Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag ay ku jirto in cid waliba rabitaankeeda lagu ixtiraamo.

Garaadka ayaa hoosta ka xiiqay inaysan masoconayn awood sheegasho iyo isu dawladayn, wuxuu caddeeyey in xalka nabadda uu yahay in cid walibana rabitaankeeda hesho.

Hoos ka akhriso qoraalka Garaad Jaamac Garaad Cali:

Maalmahan waxa arrimo nabadgalyada iyo wada noolaanshaha bulshada lid ku ah ka soo kordheen magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, arrimahaas oo ahaa dilal qorshaysan, gaadmo iyo jidgooyo lagu samayno dadka shacabka ah ee SSC-Khaatumo, haddaba:

1. Ugu horrayn, waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay magaalada Ceerigaabo iyo hareeraheeda, kuwaa oo si badheedh ah jidgoyo iyo gaadmo loogu dilay. Waxaan Eebbe uga baryayaa intii dhimatay inuu u naxariisto, jannadiisana ku abaaliyo, inta dhaawaca ahna uu Alle bogsiino degdeg ah siiyo, kana kiciyo nabarrada xaqdarrada ah ee loo gaystey.

2. Waxaan taageersanahay bayaankii ka soo baxay Golaha sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo, kaas oo aanu ku caddaynay mowqifkayaga nabadeed iyo in aanu magaalada Ceerigaabo nabadgalyo iyo wada noolaansho ka rabno.

3. Waxaan caddaynayaa in nabadda Ceerigaabo iyo gobolka Sanaagba ay ku jirto in cid waliba rabitaankeeda lagu ixtiraamo, lagula dhaqmo oo lagu dhaqo, ma soconayso awood sheegasho iyo isu dawladayn, taasi nabad ma keenayso ee waa in xalka nabadda la abbaaro cid walibana rabitaankeeda hesho.

4. Dilalka qorshaysan ee ka dhacaya Ceerigaabo iyo agagaarkeeda waxa ka danbeeya Muuse Bixii iyo ciidankiisa, waana natiijada safarkiisii. Gaadmada iyo jidgooyada loo gaysanayo dadka shacabka ah ee deggan gobolka Sanaag, waxay ka turjumaysaa in nabadda deegaanka duullaan lagu yahay, arrinkaa looma dulqaadan karo. Duullaanka shacabka lagu soo duulo ee lagu laayo, waxa ka dhasha dagaal is difaac ah oo lagu badbaadinayo shacabka, waana waxa aanu ka digayno khatarteeda.

5. Ugu danbayn, mar kale waxaan caddaynayaa sida bayaankii xalay ee Golaha sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo soo saaray lagu sheegay in magaalada Ceerigaabo aanu nabad ka rabno, nabadgalyana aanu ka doonayno. Nabaddeeduna ay ku jirto in cid waliba ay rabitaabkeeda hesho laguna ixtiraamo. Inaan cidna cid kale ku khasbi karin wax aanay rabin oo aan metelin, doonisteedana aan ahayn.

Dhammaad

About The Author