Fahad Yaasiin “Farmaajo waa kala guurnay, anoo u danaymaya danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed”

01 Sept 2024 (Puntlandes.com) Lataliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo isla markaasna ah agaasimihii hore ee NISA Fahad Yasin ayaaqoraal uu soo saaray ku shaaciyey inay dhammaatay wadashaqeyntii siyaasadeed ee kala dhaxeysay madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Fahad ayaa qoraalka uu soo saaray ku yiri “Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.”

Hoos ka akhriso qoraalka Fahad Yasin:

About The Author