Farmaajo “Golaha Xukuumadda FS waxaan uga digaynaa hirgelinta qorshaha laxiriira in dal shisheeye ay ku wareejiyaan maamulka hawada Soomaaliyeed”

01 Sept 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray uga digay golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya inay dal shisheeye ku wareejiyaan maamulka hawada Soomaaliyeed, taas oo uu ku sheegay inay dhaawacayso qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalka ku yiri “Gacan ku haynta maamulka hawadu waa arrin taabanaya amniga Qaranka iyo madaxbannaanida dalkeenna, damaca haatan socoda ee Imaaraadka Carabta loogu wareejinayona waxa uu dib u celinayaa dadaallada naf hurka ahaa ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.”

About The Author