Warsaxaafadeed: Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland, Xildhibaan Maxamed Abiib waxaa lagu xiray Xabsiga Mandheera

02 Sept 2024 (Puntlandes.com) Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in Xildhibaan Maxamed Abiib lagu hayo Xabsiga Mandheera.

Sidoo kale shirguddoonka ayaa sheegay in xariga xildhibaanku ka hor imanayo Dastuurka isla markaana si deg deg ah loogu soo celiyo xorriyaddiisa.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa Xukuumadda Muuse Bixi waxay ku qabatay Garoonka diyaaradaha ee Hargaysa isagoo ka yimid dalka Imaaraadka.

About The Author