Dhagayso: Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti ”Itoobiya haddii ay Marso ubaahan tahay diyaar baan unahay”

02 Sept 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo waraysi siiyey idaacadda VOA somali ayaa sheegtay in Jabuuti u soo bandhigtay Itoobiya hindise cusub oo xalin kara baahida ay u qabto helista marin biyood.

Wasiirka ayaa sheegay in lagu xalin karo khilaafka ka taagan gobolka oo hadii uu gacan ka hadal isu bedello saameyn kara guud ahaan dalalka gobolka.

Hindisaha Jabuuti ayaa ah in Itoobiya ay ka hesho Deked dalka Jabuuti, sida uu sheegay wasiirku, iyadoo dekeddu ay tahay mid ganacsi oo aaney ku jirin mid milatari, rajana ay ka qabaan in Itoobiya ay ka soo jawaabto.

Dhagayso waraysiga ay VOA Somali la yeelatay:

About The Author