Sawirro: Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray Wadada laamiga ah ee bartamaha Gaalkacyo

03 Sept 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka xariga ka jaray Wadada laamiga ah ee bartamaha Gaalkacyo, oo la dhameeyay wejiga koowaad oo ah 1.15KM.

Jidkan oo muhiim u ah horumarka, isu socodka gaadiidka iyo bilicda magaalada ayaa lagu dhisay si iskutashi bulsho ah oo ay maamulkiisa ka hawlgaleen Guddiga Horumarinta degmada Gaalkacayo, waxaana dhisay Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku bogaadiyey bulshada Gaalkacyo, Guddiga Horumarinta magaalada iyo Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco dedaalka dhaxalgal ka ah ee ay ku hirgeliyeen dhismaha Wadadaasi, taasi oo muhiim u ah horumarinta magaalada dhankasta, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in bulshadu laf-dhabar u tahay dowladnimada horumarkeeda iyo jiritaankeedaba.

About The Author