Muuqaal-Sawirro: Wasiirka caafimaadka Puntland oo Isbitaalka Garowe ka dhagax dhigay qaybta daryeelka degdega ah Intensive care units (ICU)

03 Sept 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland ayaa maanta Isbitaalka weyn ee magaalada Garowe ka dhagax dhigay qaybta daryeelka degdega ah Intensive care units (ICU) qaybtaan ayaa waxay ka mid noqon doontaa qaybaha kala duwan ee cisbitaalka oo dhismihiisu gabagabo marayo laga hirgalinayo.

Wasiirka ayaa dhagax dhiga ka sheekay in qaybtaan oo baahi weyn loo qabo lagu soo kordhin doono isbitaalka, qalabkii ugu danbeeyayna lagu qalabayn doono khuburo iyo dhakhaatiir aqoon ulehna ayka hawlgali doonaan, wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hawlaha caafimaadka ee socda ay qayb ka tahay siyaasada dawladda ee uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Abdulaahi Dani, waxaana shirkada qandaraaska qaadatay uu faray inay waqtiga ugu dhaw ku dhamaystiraan loona qalabeeyo si uu qayb uga noqdo furitaanka guud ee cisbitaalka oo qorshaysan bisha aan ku jirno ee September 2024.

Wasiirka waxaa munaasibada kalq qqybgalay lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey, agaasimaha guud Dr Mohamed Mohamuud Xidig, agaasimaha caafimaadka asaasiga ah Abdirisaaq Abshir Xirsi, kusimaha agaasimaha qorshaynta Idiris Abdulaahi Mohamed, Dr Abdirahmaan Abdi Abdalla agaasimaha Medical Service, Dr Hodan Ali Shire agaasimaha Isbitaalka Garowe iyo saraakiil ka tirsan hay’adda WHO.

About The Author