Xil C/raxman C/shakur “KG lama saxiixan MoU bad lagu bixiyey Itoobiya, ATMIS kuma soo darin nabad ilaalinta, heshiiska difaaca ee ATMIS ka baxsan lama gelin, waa dulmi iyo gardarro waxa loo beegsado”

04 Sept 2024 (Puntlandes.com) Xildhidhaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu qoray waxa uu kaga hadlay abaabulka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku abaabulay Agaasimayaasha DFS iyo Odoyaasha Beesha Hawiye ee ku wajahnaa shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inay dul tahay in la beregsado Koonfur Galbeed oo aan la saxiixan MoU bad lagu siiyey Itoobiya.

Hoos ka akhriso qoraalka:

Ka hortagga damaca Itoobiya waa masuuliyad dowladeed ee ma aha mid beeleed, waxna kama galo oday magac qabiil ku hanjaba iyo shaqaale rayad ah oo siyaasad lugaha loo geliyo, balse waa kaga sii dareen, maadaama uu hadalkoodu dhiilo qabiil kiciyey, bulshadiina kala irdheeyey.

Waxaase damaca looga hortegi karaa midnimo gudaha ah, dadaal diblomaasiyad oo dibedda ah iyo siyaasad waaqici ah oo lagu dheelitiro duruufaha qalafsan ee dalkeenna ka jirta ee keenay in Itoobiya looga maarmi waayo nabad ilaalin iyo la dagallanka AS.

Reer Koonfur Galbeed lama saxiixan MoU bad lagu bixiyey Itoobiya, ATMIS kuma soo darin ciidankeeda nabad ilaalinta, heshiiska difaaca ah ee ciidankeeda ATMIS ka baxsan dalka ku joogaanna lama gelin, waa dulmi iyo gardarro waxa loo beegsado.

Soomaaliyeey waa in aan garawsanaa in ku xadgudubka gobonimada dalkeena uusan qabiil ama maamul gobol midkoodna wax ka goynin. Dowlad-qaran uunbaa dal difaaci karta, waxna ka goyn karta loollaanka joqraafi siyaasadeed ee Gobolka, gaar ahaan kan la xariira amniga Badda Cas iyo biyaha Webiga Niil, iskumana heli karno in aan kala adkaanno, cadawgeenana ka adkaano, mana jiro maanta cudur nooga wayn hoggaan xumo iyo midnimo la’aan.

About The Author