Gurey oo ku guulaystay gudoomiyaha Degmada Bursaalax

04 Sept 2024 (Puntlandes.com) Waxaa soo gabogaboobey doorashadii Gudoomiya Degmada Bursaalax ee gobolka Mudug oo ay Golaha Deegaanka ee degmadu cod qarsoodi ah ku dooranayeen.

Waxaa ku tartamayey Gudoomiyaha Maxamed Cabdulaahi Khaliif  (Gurey) iyo Bashiir Guujaxo, waxaana ku guulaystay gudoomiyaha degmada Maxamed Cabdulaahi Khaliif  (Gurey).

Maxamed Cabdulaahi Khaliif (Gurey) ayaa helay 11 cod, halka uu Bashiir Guujaxo helay 10 cod sidaasna waxay guushu ku raacday Gurey.

Waxaa iminka bilaabatay doorashada gudoomiye kuxigeenka Degmada Bursaalax.

About The Author