FAALO: Muxuu soo kordhinayaa safarka RW Sharkarke uu Garowe ku tagayo?

1152

13 july 2015 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta ku Wajahan Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, halkaasoo ay labadii cisho ee u dambaysay wadahadalo uga socdeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Socdaalka uu Sharmarke maanta ku tagayo Garoowe ayaa salka ku haya Khilaafka u dhaxeeya DFS iyo Puntland, iyadoo Barlamaanka Puntland ay qodobbo shan ah kasoo saareen doodo maalmihii la soo dhaafay uga socday Garoowe, kuwaasoo ka dhan ah DFS.

DFS ayaa gabi ahaanba ku tumatay Dastuurkii ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay, waxay kaloo ka wadaa gobolada Dhexe Colaad ay dadka dega Degaanadaas isaga hor keenayso, iyadoo degmada Cadaado ku dhoodhoobtay maamul aan waafaqsanayn Dastuurkii ay ummadu ku heshiisay. Maamulka DFS ee Cadaado ayaa wuxuu kaloo ku sheeganayaa Degaano hoos yimaada dawladda Puntland.

DFS ayaa waxay Xamar ku koobtay awoodii dawladda iyo Deeqíhii ay ay Beesha Caalamku ugu Deeqday Shacabka Soomaaliyeed oo ay ahayd in la wada gaarsiyo. Waxay kaloo DFS hor istaagtay inay Ardada Puntland waxbarasho banaanka u aadaan iyo in laga fuliyo Puntland Mashaariic Horumarineed.

Su’aal ka dhex Guuxaysa Shacabka reer Puntland ayaa ah muxuu soo kordhinayaa Safarka Sharmarke uu ku imanayo maanta Garowe? Jawaabta su’aashaasi waa waxba, waxa kaliya ee loo soo diray Sharmarkena waa in uu Heshiis beenaad kale saxiixo ka dibna Qashinka ay ku daraan nimanka Xamar jooga sidii kuwii ka horeeyey ay Qashinka ugu dareen.

Doorka Shrmarke ee Shirkii Cadaado!

Sharmarke Cadaado waa uu tagay waana u sacabtumayey Sharci darada halkaas ka socota, oo Dastuurkana lagu jabiyey laguna sheeganayo Degaanada Puntland. Sharmarke waa uu soo dhaweeyey wixii Cadaado ay DFS ku dhoodhoobtay isagaana Golaha Wasiirada mas’uul ka ah Wasiiradiisuna waxay si aan gabasho lahayn u lahaayeen waxaan maamul u dhisaynaa labo Gobol oo buuxa oo ah Mudug iyo Galgaduud!! Ma wax buu kayiri RW Sharmarke? Jawaabtu waa maja marka muxuu ula imaanayaa reer Puntland? EBER WAXBA!!!!

Waxaa la hubaa in uu RW Sharmarke uusan Xamar waxba ka ahayn, waxaa kaloo hubaal ah inuu meesha dadtiisa oo ah wax xoogaa ah ka hel u joogo ee uusan u joogin ilaalinta danaha ummadda Soomaaliyeed iyo Dastuurkay ku heshiisay.

Waxaa kaloo hubaal ah inuu la mid yahay Xildhibaanda Puntland iyo Jubaland u matala Baarlamaanka DFS oo aan la maqal lana arkin una Codeeya waxa uu Xasan Sheekh doonayo kulay ku tahay in Jubaland iyo Puntland la burburiyo sida hada socota.

Gagabadii Xiriirka shacabka Puntland, dawladda Jubbaland iyo DFS ayaa aad u xumaa bilihii lasoo dhaafay, waxaana keenay markay DFS cadaysatay Dagaal cad oo ay ku hayso Degaanadaas.

Madaxweynaha Puntland GAAS isagu wuxuu la jiraa Xasan Sheekh iyo Burburinta uu ku hayo labadaas maamul isagoo eeganaya danihiisa gaarka ah oo uu isku tusay inuu u tartamo madaxtinimada DFS sanadka 2016ka!

Puntlandes.com

 

About The Author