Muuqaal-Sawirro: Doorashada gudoomiyaha & Kuxigeenka Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug

04 Sept 2024 (Puntlandes.com) Wafti uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Dowladda Puntland Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe) oo uu wehliyaan Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Khaliif Faarax (Khaliifa) iyo Wasiirka wasaaradda Xannaada Xoolaha dawladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa, Xildhibaano iyo wasiiro oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Degmada Bursaalax ayaa goob joog ka ahaa doorasjhada gudoomiya iyo ku xigeenkiisa.

Golaha deegaanka degmada Bursaalax ayaa waxay kala dooranayeen musharixiinta kala ah:

1. Musharax Maxamed Cabdullahi Khaliif oo u tartamayey Gudoomiye

2.Musharax Bashiir Cabdixakiin Guujaxo oo u targanayey Gudoomiye

1.Musharax Ayaanle Mire Muuse oo u tartamayey Gudoomiye kuxigeen

2.Musharax Faysal Cabdirisaaq Gabanow oo utartamayey Gudoomiye kuxigeen.

Waxaana Gudoomiye Degmada guulaystay Musharax Maxamed Abdullahi khaliif oo helay 11 cod.

Halka Musharax la tartamayey ee Bashir Abdihakeem Guujaxo uu helay 10 cod.

Sidoo kale waxaa gudoomiye kuxigeenka ku guulaystay Musharax ayaanle Mire muuse.

Mas´uuliyiinta la doortay ayaawaxaana dhaariyay gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobalka Mudug Cabdullahi Maxamed Mire.

About The Author