Daawo Video: Ceelbiyood laga qodayo degaanka JEEXDIN oo u dhexeeya Gaalkacyo iyo GODOD
14 july 2015 (Puntlandes) Waxaa dadwaynha Gobolka Mudug gaar ahaan kuwa Degaanka oo iskaashanayaa iyo maamumlka Gobolka iyo kan Degmada Gaalkaco ay bilaabeen qodista Ceel biyood ay ka qodayaan Degaanka JEEXDIN oo u dhexeeya magaalada Gaalkacyo iyo GODOD.
Degaanka JEEXDIN ayaa u dhexeeya magaalada Gaalkacyo iyo GODOD wuxuuna Gaalkacyo u jiraa 15KM, waana Degaan ay Xooluhu ku badan yihiin. Munaasabad lagu dhagax dhigayo Ceelkaas ayaa ka dhacday JEEXDIN ayaa waxaa ka qayb galay Godoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg). Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Guuleed, Nabadoono iyo waxgarad, waxaana dadkii ka hadlay dhamaantood ay isku raaceen inaan Ceelkan loo qodin in dad kale lagu waxyeeleeyo laakiin ay dadka iyo Duunyada ku nool Degaanka JEEXDIN ay baahi badan u qabeen Ceelkan.
Degaanka JEEXDIN ayaa ah Degaan Xoolo daaqsimeed ah waxaana laga Codsaday dadwaynaha Degaankaas inay Maalgashadaan oo magaaleeyaan Degaanka JEEXDIN oo ah meel Barwaaqo ah, kuna haboon Xoolo dhaqashada iyo BEERAHA .
Godoomiye Ereg ayaa sheegay inaysan Ceelkan u qodan Colaad iyo Dhul durugsi waxaana lagu garanayaa taas ayuu yiri “eega waxa Geel hareerahayaga daaqata” isagoo intaas ku sii daray inay u qodayaan inta doonaysa inay ka faa’iidaysato inta nabada jecel isagoo ugu dambayn si cad u sheegay inay ka maamul ahaan Difaacayaan Ceelka iyo dadkiisa.
Daawo munaasabada Dhagaxdhiga
Puntlandes.com