Dhegeyso: GAAS oo ka cududaaratay inuu Barlamaanka horkeento wasiirrada cusub ee uu dhawaan magacaabay
14 july 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa sheegay in xukuumadu ay ka cududaaratay in Maanta ay Baarlamaanka hor keento Wasiirada Cusub ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali GAAS kadib isku shaandhayn uu sameeyey.
Fadhigii Baarlamaanka ee maanta ayaa qorshuhu ahaa in Baarlamaanka codka kalsoonida u qaado Wasiiradii Cusbaa, waxaana uu gudoomiyihu sheegay inay Baaqatay taasi.
Kalfadhigii 35aad ayaa si habsami ah u socda laakiin Golaha Barlamaanka Puntland ayaa galay fasax kooban oo maalmaha ciida ah,waxaana ay dib isugu soo laaban doonaan 21-ka bishan July.
Dhegeyso Gudoomiyaha Baarlamaanka
Puntlandes.com