Puntland oo shaacisay in ay hoosayso Sadaasha Roobka ee Deyrtan

07 Sept 2024 (Puntlandes.com) Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay hoosayso Sadaasha Roobka ee Deyrtan, iyada sidoo kale la filayo in cimiladu sii kululaato gobollada oo idil.

Waxa jirta 66% fursad ah in ay dhacdo xaalada La Niña oo sababta roob yari iyo abaar ah inta u dhaxaysa Sebtember iyo Noofambar, iyo 74% fursad sii socoshada ilaa 2025.

Degmooyinka Eyl, Dangoroyo, Qardho, Dhahar, Badhan, Laasqoray, iyo Ceerigaabo ayaa saadaashu sheegaysaa inay heli karaan fursado isku mid ah oo ah inay helaan roobab xaddi ahaan caadi ah ama ka hooseeya xadiga caadiga ah (equal probability).

Waa muhiima in dhammaan hay’adaha Dawladda, Hay’adaha caalamiga ah, iyo bulshadu ay diyaar garow ka sameeyaan suurtagalnimada abaarta iyo roob yarida si ay uga taxadaraan khataraha ka dhalankara abaaraha, sida ay ku talinayso Xarunta Maareynta Xogta Dhulka Puntland.

About The Author