Muuqaal-Sawirro: Guddoomiyaha & kuxigeenka Degmada Bursaalax oo xilka la wareegay

07 Sept 2024 (Puntlandes.com) Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ee Gobolka Mudug Cabdiitaax Samatar Ciise ayaa xilka u kala wareejiy Maamulkii hore iyo Maamulka Cusub ee Degmada Bursaalax.

Munaasabada xilwareejinta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeen Degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug oo la qabsoontay xarunta Dowladda Hoose ee Degmada ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xubnaha xildhibaanada Golaha Deegaanka, Odayaashaa dhaqanka, haweenka iyo waxgaradka Bulshada.

Iskuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Mudug oo xilka u kala wareejiy Maamulka Degmada ayaa kula dardarmaay in Maamulka cusub ay dadka deegaanka ugu adeegaan caddaalad iyo sinnaan si loo gaaro yoolasha horumarinta Degmada iyo ka miro dhalinta iskutashiga Bulshada ee kor u qaadista bilicda iyo Arrimaha Bulshada.

About The Author