Sawirro: Wasiirka Caafimaadka Puntland oo qaabilay Wafti ka socday madaxda Hay’adda Population Services International (PSI)

08 Sept 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel uu wehelinayo agaasimaha guud Dr Mohamed Mohamuud Xidig ayaa xafiiska ku qaabilay Wafti ka socday madaxda Hay’adda Population Services International (PSI) oo Wasaaradda Caafimaadka Puntland kala shaqeysa Mashaariicda Caafimaadka ee Damal Caafimaad iyo Marwo Caafimaad oo uu hogaaminayey Madaxa Soomaaliya Ibrahim Hassan Ahmed uuna wehelinayay Abdiqani Hersi Shire madaxa xafiiska Puntland.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqaynta wasaraadda iyo PSI, sidoo kale waxaa looga hadlay sidii looga shaqayn laha balaarinta mashruuca Damal caafimaad iyo in gobolka kale lagu daro maadaama Nugaal lagu guulaystay.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyay hay’adda PSI mashaariicda caafimaad ee ay ka wada shaqeeyaan ee kala ah Damal Caafimaad iyo Marwo caafimaad. Waxaana uu xusay muhiimada ay leedahay la xoojiyo lana sii laba laabo shaqooyinkii socday.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha Marwo Adna Farax Abdulaahi iyo saraakiil kale oo ka socda wasaaradda caafimaadka Puntland-

About The Author