Muuqaal-Sawirro: Laftagareen “Qabiil qabiil midnimo uhaya ma jiro, Midnimada & Dawladnimada Faderaalka Soomaaliyeed Koonfur Galbeed ayey kabilaabataa kuna dhamaataa”

09 Sept 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku soo noqday magaalada Baydhabo si aad u diirana loogu soo dhawereyey ayaa weerar afka ah ku qaaday dawladda Federaalka madaxdeeda iyo Odoyaasha Beesha Hawiye oo uu abaabulay maamulka xasan Kherekh.

Madaxweyne Laftagareen ayaa yiri “Dadkii gobolka Bakool kahadlay siday wax u dareemayaan ayey kahadleen, in lagu eedeeyo oo dad gooni ah ay Shahaadada Wadininimada bixiyaan waa nasiibdarro…”

“Qabiil qabiil midnimo u haya ma jiro, Midnimada iyo Dawladnimada Faderaalka ee Soomaaliyeed, Koonfur Galbeed ayey ka bilaabataa kuna dhamaataa”

Laftagareen ayaa sheegay in uu xildhibaanadii dhawaan hadlay ee DFS uu la dareen yahay, uuna ku waafaqsan yahay hadalkii ay ka sheegeen in adagaal lasoo xawilay aysan deegaanadoodu qaadi karin.

“25-Xildhibaan ee Taageertay Rabitaanka Shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la Dareenahay Rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed.

Halka SYL ay u joogtay Soomaaliya ayuu sheegay Laftagareen in ay Koonfur Galbeed u joogaan xildhibaanadaas oo ay dadkooda la dareen yihiin.

Laftagareen ayaa hoosta ka xariiqay inay shacab iyo dawladba iyagoo midaysan tashan doonaan dadtoodana u dhaqaaqi doonaan.

About The Author