Axmed Karaash ”waxaan la wadaagaynaa Shirkadaha Caalamiga ah inaan wakhti kaga lumin Ceelka Holhol iyo khayraadka kale ee deegaanadaasba”

10 Sept 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne kuxigeenkii hore Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash” ayaa si adag uga horjeestay heshiis ay Dawladda Federaalka Soomaaliya dalka Qatar uga xaraashtay  Ceelal Shidaal oo uu ku jiro Hol-Hol ee SSC-Khaatumo.

Axmaeda Karaash ayaa qoraal ku ”Waxaan dhegeystay hadal uu jeediyey Wasiirka Batroolka XFS oo uu ku sheegay inay saxeexeen xidhmooyin Shidaal oo uu ka mid yahay Ceelka Shiidaalka ee Holhol.

Hadaba waxaan la wadaagaynaa Shirkadaha Caalamiga ah inaan wakhti kaga lumin Ceelka Holhol iyo khayraadka kale ee deegaanadaasba aysana jirin cid awood u leh inay heshiis ku soo gasho, iyadoon loo marin dariiq saxa oo heshiis lagu wada yahay.”

Senatorka iyo Xildhibaanada SSC-Khaatumo ee labada Gole ee BFS qaarkood ayaa aad ugu dagaalamay dulaalida xaraashka DFS.

About The Author