Sawirro: Wasiir Juxaa ”waxaan ka wadahadalnay dawladda Maraykan 4 qodob….”

11 Sept 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Arimaha Gudaha dawladda Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa qoraal kooban ku sheegay in wafdi Punytland oo ku joogeen dalka Maraykanka ay la kulmeen dawladda dalkaas kana wada hadleen 4 qodob.

Hoos ka akhri waxay ka wada hadleen wasaaradda Arimaha dibadda Maraykanka:

”Waxaan maanta aniga iyo wasiir Farah Osman kulan muhiim ah kula yeelanay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka saraakiil sare oo uu hogaaminayo kaaliyaha kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda.

Waxaan ka wada haddallay arrimo ay ka mid yihiin:

1- Amniga iyo xasiloonida Gobolka,

2. La dagaalanka xagjirka,

3. Dawlad-dhiska Somalia, doorashooynikii Golayaasha Deegaanka iyo xiriirka Dawladda Federalka iyo Puntland,

4. Maalgashiga iyo kaalinta qurbe-joogta.

About The Author