DFS: haddii ay Itoobiya ku sii socoto dhaqangalinta MOU Muuse Biixi waa dagaal iclaamin cad oo ay Somaliyana iska difaacaysaa

12 Sept 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in haddii ay Itoobiya ay ku sii socoto dhaqangalinta MOU-gii ay la gashay Muuse Biixi ay ka dhigan tahay, dagaal iclaamin cad oo ay Soomaaliyana ka jawaabayso, iskana difaacayso xadgudubka madax banaanideeda ee Itoobiyaanka isku dayayaan.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibada Cali Balcad oo wareysi siiyey Al-Jazeera ayaa cadeeyey in ay Soomaaliya qaadayso talaabooyin adag oo ku difaacanayso dalkeeda ayna haysato ciidan iyo awood ku filan, oo ka hortagaysa damaca Itoobiya.

Wasiir Balcad ayaa sheegay in aysan wali ciidanka Masar tagin Soomaaliya, balse ay sugayaan waqti dhaw in ay yimadaan, si ay qayb uga noqdaan Amniga gudaha & difaaca madax banaanida Soomaaliya, oo ay sidaas codsatay dawladda Faderaalka.

Maalin ka hor ayaa Ra´iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre waxa uu sheegay in aysan DFS ciidan Masar ah dalban oo aysan soo soconin, taas oo muujinaysa in aysan madaxda dawladdu xog isku heynin ama kala war duwan yihiin.

Wasiiru dowlaha ayaa tilmaamay in ay Masar geysay Muqdisho saanad milateri dhawaan, looguna talogalay in loo isticmaalo la dagaalanka argagixisada & cid kasta oo kusoo xadgudubta madaxbanaanida Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa cadeysay in ay Masar u ogolaadeen in ay gudaha Soomaaliya ka dagaalamaan ciidankooda, ayna qeyb kanoqdaan difaaca madax banaanida Qaran ee Soomaaliya.

Hoos ka daawo RW Xamse oo kahadlay MOU ayaa sheegay inaysan DFS uyeeran Ciidan Masar keenayna dalka!!

About The Author