Dowladda Soomaaliya oo baajisay duulimaadyadii imaan jiray Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Bosaso

15 Sept 2024 (Puntlandes.com) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta baajisay duulimaadyadii imaan jiray Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Bosaso, iyadoo ay maanta ka degi lahaayeen diyaaradaha Daallo & Itoobiya.

Hey’adda Duulimaadyada Rayidka Soomaaliyeed ayaa ku wargelisey Daallo & Itoobiya in xiisad u dhaxaysa Xukuumadda Puntlabd iyo ciidanka gaarka ah ee PSF ay ka jirto magaaladaas, sida ay sheegeen saraakiil dhinaca duulimaadyada ah.

Duulimaadyadii maanta iyo Rikaabkoodiiba ayey Dawladda Fedraalku wareejisay Garoonka Diyaaradaha ee Garowe.

Puntland ayaa iyana dhinaceeda diyaaradaha Daallo & Itoobiya ku wargelisey in aysan Garoowe imaanayn, haddii ay qaataan amarka DFS.

About The Author