Sawirro: Madaxweyne Deni oo qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

15 Sept 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo arrimaha Puntland sida Amniga, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarin.

Waxaa Kulanka kala qeybgalay Madaxweynaha Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

About The Author