Sawirro: Wasiirul dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Bada Puntland oo kormeer ku tegay Dekedada Bosaso

15 Sept 2024 (Puntlandes.com) Wasiirul dowlaha Wasaaraa Dekedaha iyo Gaadiidka Bada Dowladda Puntland Maxamed Saciid Yuusuf oo kormeer ku tegay Dekedada Magaalaa Boosaaso xili ay ka socotay Rarid iyo dajin Badeecadaha kala duwan ayaa ka warbixiyey sida Shaqadu u socoto xili la gallay Bad furanka

Intii uu kormeerka ku jiray waxaa ku weheliyey Maamulaha Custamka Dekeda Boosaaso Maxamed Yuusuf taliyaha Saldhiga Dekeda Boosaaso Kornel Warsame Hawlawadeeno ka tirsan shirkada Dpworld.

Wasiiru dolwaha Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Bada dowladda Puntland Maxamed Saciid ayaa kormeeray qaybta dhismaha dayactirka Dekeda Boosaaso oo ay ku socoto shaqo baaxad leh isagoo warbixino ka dhageystay Engneerada Gacanta ku haya howshaan.

About The Author