Puntland oo soo saartay Warsaxaafadeed ku sabsaan Amniga Garoonka Bosaso & Duulimadyada Diyaaradaha

15 Sept 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Puntland ayaa soo saartay warsaxaafadeed ku sabsaan Amniga Garoonka Magaalada Bosaso iyo Duulimadyada Diyaaradaha.

Dawladda Puntland ayaa waxay u xaqiijisay Diyaaradaha in Amiga Garoonka Diyaaradaha Bosaso yahay mid sugan oo ay diyaaraduhu koodkoodii ama Route-koodii si caadiya hawlahoodii ugu wadan karaan.

Maanta, waxaan imaan Diyaarada Daallo Airlines, waxaana saamayn ku yeeshay Email ay uu u diray maamulka Xasan Sheekh, laakiin Itoobiyan Airlines todobaadkii laba jeer ayay tagtaa Bosaso, wayna tagaysaa sida ay xaqiijisay.

Shirkadda Daallo haday u hogaansato amarka Xamar, waxay lumin doontaa Ruqsada ay Puntland uga shaqayso, taas oo muhiimad u leh.

Dhanka kale, waxaa si caadiya u yimid Garoonka laba Diyaaradood oo kasoo degay kadibna dib uga kacay, kuwaasoo ka yimid Imaaraadka.

Dowlada Federaalka oo ku gabanaysa amniga Garoonka,ayaa khatar ku jira kadib hanjabaadii ka timid Ilmo Diyaano, ayaa Warqad udirtay Shirkadaha Diyaaradaha.

Waa wax cad oo muuqda in qorshaha lagu carqaladaynayo Garoonka Diyaaradaha Bosaso ay wadato Dowlada Xasan Sheekh, isla markaana Gacanta la isticmaalayo ay yihiin Ilmo Diyaano.

Dawladda Puntland ayaa fartay Diyaaradaha isticmaala Garoonka in amnigiisu uu sugan ayna Duulimaadyadooda Garoonka u wataan si caadi ah.

About The Author