Muuqaalo: Amnidarada Bosaso waxaa wada Ciidankii PSF ee waa in meel looga wadajeestaa

16 Sept 2024 (Puntlandes.com) Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada ayaa Amnidarada ka soo cusboonaatay magaalada Bosaso ku eedeeyey inay wadaan Ciidankii PSF waxayna ugu baaqeen Isimada, Nabadoonada, waxgaradka iyo shacabka inay meel ug soo wadajeestaan.

Gudoomiyaha Gobolka Bari mudane Cabdirisaak Cali Siciid Shaahdoon ayaa Shir u furey Isimo , Nabadoono ,Cuqaal ,Haweenka iyo dhalinyarada Kulan looga hadlayo Xoojinta Amniga Boosaaso.Kulanka ayaa lagu qabtay Xarunta Gobolka Bari waxaana kasoo qaybgalay Duqa Degmada Bosaso iyo Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari.

Hoos ka daawo muuqaalo Gudoomiyaha gobolka, kan degmada iyo taliyaha Qaybta oo sheegaya in amnidarada magaalada ay wadaan Ciidankii PSF.

Gudoomiyaha gobolka Bari

Duqa Degmada Bosaso

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari

About The Author