Sawirro: Maamulka Gobolka Bakool, Odayaasha dhaqanka & Haweenka oo dalbaday in Maxkamad lasoo taago Xilkana laga qaado Agaasimaha Gaadiidka & Duulista DFS

18 Sept 2024 (Puntlandes.com) Xubnaha Maamulka Gobolka Bakool,degmada Xudur, maamulada Degmooyinka Rabdhuure & Tiyeeglow, Odayaasha dhaqanka iyo Haweenka ayaa sheegey in Maxkamad lasoo taago, Xilkana laga qaado Agaasimaha wasaaradda Gaadiidka Bashiir Macalin Cali, oo ay sheegeen in uu ku hadlay hadalo gef ku ah Shacabka Koonfur Galbeed.

Agaasime Bashiir ayaa ku tilmaamay shacabka degmooyinka Waajid, Xudur, Rabdhuure iyo Tiyeeglow, in ay yihiin ubadkii ay dhaleen ciidanka Itoobiya ee soo galay Soomaaliya 2006-dii, xili ay DFS agaasintay agaasimayaasha rayidka ah oo u jawaabayay shacab dawladood u cawday.

About The Author