Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya oo lakulmay Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah madaxweynaha Koofur Galbeed

18 Sept 2024 (Puntlandes.com) Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Richard H. Riley ayaa la kulmay Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, isagoo kala hadlay doorashooyinka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa ku soo adaaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo u dhaxeeya DFS iyo Koofur Galbeed, waxaana isa soo taraya inuu Laftagareen doonayo inuu doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed qabto, taas oo uu diidan yahay madxaweynaha DFS Xasan Sheekh.

Amb. Riley ayaa sheegay in Mareykanka uu taageerayo doorasho loo dhan yahay oo xor iyo xalaal, sidoo kalena ay muhiim tahay in la maqlo oo la ixtiraamo aragtiyada kala duwan.

About The Author