Golaha Samatabixinta Qaranka oo cambaareyey talaabadii mudanayaal & Masuuliyiin kasoo jeeda KG loogu diiday in ay deegaanadooda u safraan

19 Sept 2024 (Puntlandes.com) Mudanayaal labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan kuna midaysan Golaha Samatabixinta Qaranka ayaa cambaareyey talaabadii mudanayaal iyo masuuliyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed loogu diiday in ay ka baxaan garoonka Muqdisho oo deegaanadooda u safraan.

Xildhibaanada ayaa dawladda u soo jeediyey sadex talaabo oo ay tahay in la qaado, oo ay u horeyso in la qaado xayiraada lagu soo rogay tagida deegaanada ee xubnaha baarlamaanka & Masuuliyiinta kale.

Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla, ayaa ka mid noqotay mudanayaasha baarlamaanka ee kasoo jeeda KG ee maanta loo diiday in ay u socdaalan magaalada Baydhabo, iyadoo sheegtay in Federaalkii ay Soomaalidu isku raacday 20-ka sano kahor uu burburay.

About The Author