Sheekh Shariif “Hoggaanka dalka waxa uu shalay ka cabanaayay…waxaa nasiibdarro ah in isla dhaqannadii shalay ay maanta dhacayaan taaso caddeyneysa inaan waxba laga baranin khaladaadkii horey u soo dhacay”

19 Sept 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Shariif oo warsaxaafadeed kasoo saaray Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kasoo jeegeeda Koonfur Galbeed ee maamulka Xasan Shiikh ka horjoogsaday inay deegaanada KG u safraan ayaa ku eedeeyey Xasan Sheekh inuu falayo wixii uu shalay kaga cabanayey Farmaajo.

Sheekh Shariif ayaa warsaxaafadeedka ku yiri “Hoggaanka dalka waxa uu shalay ka cabanaayay ku xadgudubka xorriyadda dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta iyo mas’uuliyiinta dalka. Waxaa nasiib darro ah in isla dhaqannadii shalay ay maanta dhacayaan taaso caddeyneysa inaan waxba laga baranin khaladaadkii horey u soo dhacay.”

About The Author