Sawirro: Garaad Jaamac Garaad Cali “Reer Mudugoow dadka waad ka tilmaaman tihiin oo maalintii quwaddii Mudug soo kacday ee Kaarayaashii soo ruqaansadeen ayaa cadawgii duullaanka ahaa qab jabay”

19 Sept 2024 (Puntlandes.com) Garaad Jaamac Garaad Cali oo hogaaminaya wafdi Isimo SSC-Khaatumo ah oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa uga mahadceiyey reer Mudug hiilkii ay bilowgii ku tageen magaalada Laascaanood iyadoo maamulka Muuse Biixi haystay ilaa Tukaraq.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa qoraal uu qoray ku yiri “Reer Mudugoow dadka waad ka tilmaaman tihiin oo maalintii quwaddii Mudug soo kacday ee Kaarayaashii soo ruqaansadeen ayaa cadawgii duullaanka ahaa qab jabay, maalintaa ayaanuna xaqiiqsannay macnaha is ahaanshaha”

Hoos ka akhriso qoraalka Garaadka:

Maanta waxaanu safar ku nimi magaalada Gaalakacayo ee xarunta G. Mudug. Waxa si aad u heer sarraysa noo soo dhaweyey bulsho boholyow iyo dadnimo badani ka muuqato, aadna aanu ugy riyaaqnay dedaalka iyo heellanaanta ay noo muujiyeen. Reer Mudug dadka kale waa iska falfal xignaa, waan idiin mahadnaqaynaa waanuna idinku bogaadinaynaa soo dhawaynta iyo qaabillaaddiinna.

Reer Gaalkacayow, safarkayagan waad ka war hayseen, wuxuu ahaa safar aanu ku sop marnay dhul badan iyo deegaan badan oo dadkeennu leeyahay, dhulkaa aanu soo aragnay iyo dadkii badnaa ee aanu kula soo kullanay haddii la wada arki lahaa cidna deegaan aynu leenahay iskuma soo maqiiqdeen mana sheegateen, waxaa laynaga rabaa inaynu midnimada iyo wadajirka ilaashanno iyadaa wax lagu yahaye.

Safarkayagu waa mahadcelin, waxaanu idinka mahadcelinaynaa gurmadkii walaalnimo ee aad reer SSC-Khaatumo u muujiseen, dadka waad ka tilmaaman tihiin oo maalintii quwaddii Mudug soo kacday ee Kaarayaashii soo ruqaansadeen ayaa cadawgii duullaanka ahaa qab jabay, maalintaa ayaanuna xaqiiqsannay macnaha is ahaanshaha. Waynu is waraysan doonnaa intaan wada joogno, waynuna tashan doonnaa haddii Alle idmo.

About The Author