TACSI: Allaha unaxariisto Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullahi Sheekh Ibraahim Baardheere

INAA LILAAHI WA,INAA ILEYHEYHI RAAJIXUUN.

Waxaa Caawa oo ay taariikhdu tahay 19/09/2024 ku geeriyooday dalka Turkiga Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullahi Sheekh Ibraahim Baardheere oo ahaa Sheekh wayn oo iminka fadhigiisu ahaa gobolka Mudug isagoo Shiikhu mudooyinkii u dambeeyey ku xanuunsanaa Turkiga.

Bahda Warbaahinta Puntlandes waxay Allah uga baryeysaa inuu u naxariisto Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim, Kitaabkiisana gacanta midigta ah ka siiyo, Janatul Fardowsana hoy uga yeelo, ehelkiisa, qoyskiisa, saaxiibadiisiina iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo Amiin.‎

About The Author