MADAXWEYNE DENI OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA SHEEKH MAXAMED SH CABULAHI SH IBRAAHIM BAARDHEERE

Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo

Shiikh Maxamed Shiikh Cabdullaahi Shiikh Ibraahim (Baardheere), oo caawa ku geeriyooday Dalka Turkiga.

Shiikhu wuxuu ka mid ah ahaa Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee Wakhtiga iyo dadaalka ku bixiyey Dacwada iyo Diinta oo lagu baraarujiyo Bulshada, wuxuu sidoo kale doorkiisa kulaha ka shaqeynta nabadgelyada iyo horumarka Bulshada.

Geerida Shiikha waxaan uga tacsiyeeynayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed , Culimaa’udiinka gaar ahaan Culimada deegaanka Heema, eheladii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka geeriyooday. Marxamuumka Allaah ha u danbi dhaafo, inagana dhammaanteen Samir iyo Iimaan Allaah ha inaga siiyo, Aamiin.

-DHAMMAAD-

About The Author