GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KA TACSIYADEEYAY GEERIDA SHEEKH MAXAMED SHEEKH CABDULLAAHI SHEEKH IBRAAHIM BAARDHEERE

Muqdisho-Soomaaliya September,19, 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Sheekh Maxamed Sheekh Cabdulaahi Sheekh Ibraahim Baardheere oo ku geeriyooday Magaaladda Ankara ee Caasimadda wadanka Turkiga.

“Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun. Illaahey ha u naxriisto Sheekheenii Sheekh Maxamed Sheekh Cabdulaahi Sheekh Ibraahim Baardheere oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waa weyn sidoo kalena ka mid ahaa dariiqada Sheekh Cabdullaahi Baardheere waxa laga yaqaanay guud ahaan dalka gaar ahaan koonfurta,waxaana uu caan ku ahaa fidinta diinta Islaamka isaga sidoo kale intii uu noolaa kaalin weyn ka qaatay waxbarida iyo wacyigelinta dadka Soomaaliyeed, dhamaanteen samir iyo iimaan Allaha ha inaga wada siiyo”, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa marxuumka Alle SWT uga baryay inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo ehelkiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

About The Author