Sawirro: RW Xamse & Gud. kuxigeenka Golaha Shacabka oo ka qayb galay salaadda Janaasada ee lagu dukaday Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Baardheere

22 Sept 2024 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka qayb galay salaadda Janaasada ee lagu dukaday Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Baardheere oo maanta maydkiisa la keenay Muqdisho.

Raíisul Wasaare Xamsa ayaa AUN Sheekh Maxamed ku sifeeyey intii uu noolaa in uu ahaa daaci kaalin wayn ka qaatay nabadda iyo barashada diinteenna Suubban ee Islaamka, isagoo intaas ku daray in Sheekhu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee ugu caansan, gaar ahaan dariiqada Sheekh Cabdullaahi Baardheere oo laga yaqaan guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Allah uga baryay in uu Sheekh Maxamed jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, ehelkiisa, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale waxaa isna ka qayn galay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galay salaada janaasada ee lagu dukaday Allaha ha u naxriistee Sheekh Maxamed Sheekh Cabdulaahi Sheekh Ibraahim Baardheere.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee Sheekh Maxamed intii uu noolaa kaalin weyn ka qaatay fidinta diinteena suuban sidoo kalena uu ka mid ahaa culimadda Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.

Allaha ha u naxriistee marxuum Sheekh Maxamed Sheekh Cabdulaahi Sheekh Ibraahim Baardheere ayaa si gaar ah uga mid ahaa dariiqada Sheekh Cabdullaahi Baardheere oo si weyn looga yaqaano guud ahaan dalka.

About The Author