ONLF oo ku eedaysay dowladda Itoobiya inay ku xad-gudubtay xuquuqaha Soomaalida ku nool deegaanka Soomaalida

22 Sept 2024 (Puntlandes.com) Gudoomaiya Xisbiga ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maadeey) oo waraysi siiyey VOA ayaa ku eedaysay dowladda Itoobiya in ay ku xad-gudubtay xuquuqaha dastuuriga ah ee Soomaalida ku nool deegaanka Soomaalida.

ONLF ayaa waay sheegtay in Itoobiya ay jebisay heshiiskii nabadeed ee ay labada dhinac kala saxiixdeen sannadkii 2018kii, taasoo keentay in ONLF ay ku dhawaaqdo in ay ku raadinayso damaceeda siyaasadeed si nabad ah.

Gudomiyaha ONLf Cabdiraxmaan Maadeey ayaa yiri” waxaan maqalay in la badalayo Calanka degaanka sido kale Caasimada Jigjiga ayaa laga badalayaa Taas waxaan aqbali karo ma ahan.

waxaan Maqalay hadal hayn badan oo laysla dhax marayo on filayo inay wax ka jiraan xitaa saraakiil kamid ah maamulka Degaanka ayaa si maldahan usheegay in degaanka somaalida sadex meel lo qaybin doono.

Calankana laga badalayo magacii dawlad degaankana waa la badalayaa waxaas oo dhami way socdaan.

Caasimadii jigjiga waa laga wareejinayaa oo waxaa la gaynayaa goday dhamaan arimahaas ayaa ah kuwa walaac badan nagu haaya sababto ah ma ahan Rabitaanka shacabka waa qorshe ay wataan dhawr qof ko awooda haya.”

About The Author