Sawirro: Garaad Jaamac Garaad Cali “Harti Hartinimadiisa, qurruxdiisa & wadajirkiisa waxa soosaaray dagaalkii Laascaanood…is ahaanshaha & wax wadaqabsiga, taa ayaanu rabnaa in laxoojiyo oo laga sii adkeeyo”

22 Sept 2024 (Puntlandes.com) Garaad Jaamac Garaad Cali oo hogaaminaya wafdi Isimo SSC-Khaatumo ah oo oo kusugnaa maalmihii u dambaysay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta ka qaybgalay kulan ballaaran oo ay Isimadu uga xog waramayeen xaalka SSC-Khaatumo ugana mahadcelinayeen hiilkii ayaa sheegay inay in Beesha Harti ku qurux badan tahay midnimo laguna ogaaday dagaalkii Laascaanood.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa qoraal uu qoray ku yiri “Harti Hartinimadiisa, qurruxdiisa iyo wada-jirkiisa waxa soo saaray dagaalkii Laascaanood, markii gurmadku kala joogsan waayey, taladu badatay ayaa la dhandhansaday macnaha iyo miciinka tolnimada, is ahaanshaha iyo wax wada qabsiga, taa ayaanu rabnaa in la xoojiyo oo laga sii adkeeyo.”

Hoos ka akhriso qoraalka Garaadka:

Waxa maanta kulan aanu la qaadanay bulshada reer Gaalkacayo. Kulanka oo ahaa mid is xogwaraysi, ayaanu ugu horrayn waxaanu Odayada dhaqanka, Madaxda gobolka, Ciidanka iyo Saraakiishooda, bahda Caafimaadka iyo bulshada kale ee reer Mudug uga mahadnaqnay soo dhawantii iyo sidii qiimaha lahayd ee deegaanka na loogu soo dhaweeyey, Alle ha idin soo dhaweeyo. Safarkayagu wuxuu ahaa mahadcelin waxaanu tolkayaga Harti uga mahadcelinay kaalintoodii gurmad ee ay noo muujiyeen sannadkii halganka, qof walba iyo qabiil walba oo qayb ka ahaa dagaalkaa waa uga mahadcelinaynaa kaalintiisa, waanuna u ognahay.

Bulshada iyo Dhaqanka gobolka Mudug waxaanu iska xogwaraysanay ujeeddada safarkayaga iyo deegaankii aanu ka nimi xaalkiisa, waxanuna isla gorfaynay sidii looga midho dhalin lahaa macnaha safarkan oo ah in tolka Harti isu yimaaddo, arrimihiisa iyo xaaladdaha dalka wax iska weydiiyo. Harti Hartinimadiisa, qurruxdiisa iyo wada-jirkiisa waxa soo saaray dagaalkii Laascaanood, markii gurmadku kala joogsan waayey, taladu badatay ayaa la dhandhansaday macnaha iyo miciinka tolnimada, is ahaanshaha iyo wax wada qabsiga, taa ayaanu rabnaa in la xoojiyo oo laga sii adkeeyo.

Mar kale waxaanu idinkula dardaarmaynaa in nabadgalyada iyo wada noolaanshaha la ilaaliyo, bulshadu inta ay nabad tahay ayay dhaqan tahay, nabadda Mudug cidna laga baryi maayo ee waa in guntiga loo xidho laguna hagaago. Waxa kale oo aan idiinka mahadnaqaynaa sidii aan gurmadka iyo hiilka noogugu timaadden, deegaankii u nadiifiseen, sharaftii iyo karaamadeenniina noola ilaaliseen, Alle ha idinka abaaliyo.

Allaa mahad leh

About The Author