Sawirro: Madaxweyne Deni oo ka qeybgalay Salaadda Janaasada oo maanta lagu tukaday AUN Shiikh Maxamed Shiikh Cabdullaahi Shiikh Ibraahim (Baardheere)

22 Sept 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Salaadda Janaasada oo maanta lagu tukaday Allaah ha u naxariistee Shiikh Maxamed Shiikh Cabdullaahi Shiikh Ibraahim (Baardheere) oo ku geeriyooday Dalka Turkiga, Kaasi oo maanta maydkiisa la keenay Garowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa xusay inuu Shiikhu ku sifeysnaa inuu wakhti badan ku bixiyey Dacwada iyo fidinta diinteenna suuban, isagoo sidoo kale ka qeyb qaadan jiray nabadgelyada iyo horumarka bulshada.

Madaxweynaha ayaa Allaah uga baryay marxuumka in uu u danbi dhaafo oo geeyo janadii fardowsa, ehelkiisa iyo culimada Soomaaliyeedna uu dhammaantood kasiiyo samir iyo iimaan.

About The Author