Madaxweyne Deni “waxaa soo kordhay dhaqan cusub oo ah in Soomaalinimada la iska saarayo”

23 Sept 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay munaasabad casho sharaf oo uu u sameeyay ka qeybgalayaasha Shir Sanadeedka Nabadda ee PDRC, ayaa muujiyey walaaca halista ah ee Puntland ka qabto hanaanka dawladnimada Soomaaliya, oo kusii socda in lakala sheegto, iyadoo qabaa`iilo iyo kooxo la abaabulay ay qaar kamid ah shacabkii Soomaaliyeed oo dawladooda ka cawday loogu jawaabay in Soomaalinimadii laga saaray oo laga xigsaday, taas oo uu sheegay in halis xoogan ay kasoo wajahan tahay.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Masuuliyiin iyo Madax Soomaaliyeed ay ka shaqeynayaan in layska horkeeno bulshada oo la shiriyo Masuuliyiin dawladeed iyo Odayaal dhaqan, si ay bulsho kale oo Soomaaliyeed uga saaraan Soomaalinimada, ayna dawladnimada ka xigsadaan, taas oo uu sheegay in danta laga leeyahay ay tahay kala geyn bulsho, in aan xilka laga qaadi Agaasime guud oo bulsho dhan u gafay oo wali xilkii hayo ayuu ku sheegay arrin aan la aqbali karin, ooay tahay in kor loo sheego.

Deni ayaa sheegay in laga shaqeynayo kala geynta bulshada Soomaaliyeed, dawlad dhiska oo waqti badan laga soo maray iyo dhib badan ayuu sheegay in hadda madaxda DFS ay ka shaqeynayaan go’aano iyo marxalad halis badan oo dalka dib u celin kara, abuuri kartana Hoggaamiye kooxeedyada waqtigoodii wixii jiray.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay dood qabto oo ay soo saartay cadeysana, ayna diyaar u tahay in ay miiska wada hadalka oo ay Soomaalidu toos u joogto ay keento oo ay kula garanto dawladda Faderaalka, laakiin cida bilaabayso ayuu calaamad su`aal saaray madaxweynaha Puntland, hayeeshee wuxuu tilmaamay in Puntland doorkeeda qaadanayso, hayeeshee sida wax loo wadaa ay abuurayso marxalad foolxun oo laga baaqsan karro hadda.

Isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika, ayuu sheegay in ay si kedis ah isku bedelayaan, waxyaabaha ka dhalanaya ay Soomaaliya saameyn weyn ku reebi doonaan, isagoo sheegay in uu walaaca la qabo madaxdii kale duwanaa ee qodobkan ka hadashay.

About The Author