Muuqaal-Sawiro: Hadaljedintii MD Deni oo shahaadooyin guddoonsiiyey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Puntland oo tababar dhameystay

24 Sept 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta taliska Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland ee 54-aad shahaadooyin ku guddoonsiiyey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland oo tababar dhameystay, kuwaasi oo kala ah hurinta 2-aad ee Ciidanka Madaxtooyada iyo Saraakiisha Guutada Duufaan.

Madaxweynaha ayaa Ciidanka ku boggaadiyey guulaha ay kasoo hooyeen xagga amniga iyo difaaca, iyadoo ciidamada Puntland oo aysan AMISOM wehelin ay sugaan amniga dhulka ugu weyn Soomaaliya .

“Waxaan ku faraxsanahay in iyadoo AMISOM ama ATMIS joogin, ay Ciidankeenu ku guuleysteen in ay sugeen amniga Puntland oo ah dhulka ugu weyn Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa faray Saraakiisha iyo Ciidanka Dowladda Puntland, in la isu diyaariyo guluf lagu soo afjarayo argagixisada ku dhuumaaleysanaysa buuraha Puntland, arrintaasi oo hadda ah howsha ugu weyn ee Dowladda hortaalla.

About The Author