Sawirro: Garacad oo si diiran loogu soo dhaweeyey wafdigii Isimada SSC-Khaatumo

24 Sept 2024 (Puntlandes.com) Deegaan Xeebeedka Garacad ee Gobalka Mudug ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey wafdigii Isimada SSC-Khaatumo ah ee uu hogaaminayey Garcaad Jaamac Garaad Cali ee booqashada ku joogay gobolka Mudug.

Maamulka iyo shacabka Garacad oo uu hogaamiyey Garaad Jaamac Ciise ayaa diiran u soo dhaweeyey isimada.

Waxaana la filayaa inay booqasho ku tagaan Dekadda Garacad, Maxjarka Xoolaha Garacad iyo Warshada Kaluunka ee dhismaheedu ka socdo Magaalada Garacad.

About The Author