Muuqaal: Garaad Jaamac Garaad Cali ”Tolku inuu wax isku darsado, oo Mudug & Khaatumo la israaciyo oo Dekedi Garacad unoqoto waanu soo dhawaynaynaa”

24 Sept 2024 (Puntlandes.com) Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlay munaasabad soo dhawayn ah oo loogu sameeyey Isimadii SSC-khaatumo oo booqashada ku marayaey gobolka Mudug deegaanka Garacad ayaa sheegay inay doonayaan in gobolka Mudug la raaciyo maamulkiisa SSC-Khaatumo.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa yiri ”Tolku inuu wax isku darsado, oo Mudug & Khaatumo la israaciyo oo Dekedi Garacad unoqoto waanu soo dhawaynaynaa”

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ku tilmaamay labo mashruuc oo aad u waawayn oo Soomaaliya laga hirgeliyey Dhismaha Dekedda Garacafd iyo Xorayntii Goojacadde, wuxuuna yiri “Labadii sanno ee u danbeeyey waxa Soomaaliya ka hirgalay laba mashruuc oo kala ah Garacad iyo Goojacadde”

About The Author