Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Taliyeyaal sare u magacaabay Mucaaradka Madaxweyne Deni

25 Sept 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa La Taliyeyaal sare u magacaabay C/samad Maxamed Gallan iyo Axmed Cillal oo labaduba ka mid ah Mucaaradka Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Axmed Jaamac Maxamed Cillal in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaaga, halka Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan uu u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka.

Tallaabooyinkaad ayaa la fillayaa inay hordhac u yihiin magacaabidda berri ee Gen Asad Cusmaan Diyaano oo loo magacaabi doono Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

About The Author