Golaha DFS oo meel mariyey magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya

26 Sept 2024 (Puntlandes.com) Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa meel mariyey magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Generaal Asad Cismaan Cabdulllaahi.

Dadaal socday 6dii bilood ee lasoo dhaafay, oo ay garwadeen ka ahaayeen xildhibaanada laga soo doorto Puntland, gaar ahaana qeybta xulufada la ah Villa Somalia, ayay Golaha wasiiradda Soomaaliya aqbaleen magacaabida Taliyaha ciidanka Booliska oo loo magacaabay Jen, Asad Cismaan Cabdullaahi, oo horey Taliyaha ciidanka PSF ee Puntland & Musharax Madaxweyne.

RW Soomaaliya ayaa magacaabidan kaga qancay in Taliyihii hore Jen, Sulub loo dalacsiiyo Sareeye Gaas, xaflad loo qabto madaxweynuhu ka qeybgalo, iyadoo Ra’iisulwasaaraha oo kusugan NEW YORK uu xalay Sulub u magacaabay Wasiir kuxigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XJFS.

About The Author