Sawirro: Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland oo kaqaybgalay xuska maalinta xayawaanka aduunka (world animal day)

05 Okt 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa daahfuray Xuska Maalinta Xayawaanka Aduunka 04 October ee la xuso sannad walba oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha Puntland (PULPA). Munaasibadda waxaa ka qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Mudane Ayuub Cali Axmed Agaasimha Waaxda Waxsoosaarka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Muuse.

Wasiirka Wasaaradda ayaa bogaadiyey qabsoomidda barnaamijkan oo ah mid aad muhiim ugu ah ilaalinta xaquuqda xayawaanka waxaa mas’uuliyad inaga saaran tahay ilaalinta xayawaanka sidoo kale in xoolaha loo ilaaliyo dhammaan wixii noloshooda muhiimka u ah oo ay ka mid tahay baad iyo biyo, deegaanka iyo badqabka noloshooda.

About The Author